Puntland oo shahaado sharaf gudoonsiisay Hay,adda SAVE THE CHILDREN

Madaxweyne kuxigeenka Dowlada Puntland Cabdixakiin Cabdulaahi Camay ayaa maanta xarunta Madaxtooyadda Garowe shahaado ku gudoonsiiyay Hay,adda SAVE THE CHILDREN ka dib markii Dowlada Puntland ay ku amaantay Gurmadka Abaaraha Soomaaliya Hay,adda SAVE THE CHILDREN.

Madaxweyne kuxigeenka Dowlada Puntland Eng Cabdihakim Abdulahi Camay ayaa uga mahadceliyay Hay,adda SAVE THE CHILDREN kaalinta iyo gurmadka ay ka gashay abaaraha ka jira gudaha dalka Soomaaliya gaar ahaan abaarta ka jirta deegaanada Puntland.

Wuxuuna sheegay Eng Cabdihakim Abdulahi Camay inay tahay SAVE THE CHILDREN Hay,addii ugu horeysay oo ka qeyb qaadata gurmadka abaaraha ka jira Puntland, Isagoona sheegay inay gaarsiisay deegaanada ay ku nool yihiin dadka reer guuraagu deeq isugu jirta biyo iyo raashin.

Agaasimaha Soomaaliya ee Hay,adda SAVE THE CHILDREN Hassan Nuur oo ka gudoomay Madaxweyne kuxigeenka Puntland shahaado sharafta ayaa uga mahadceliyay, wuxuuna sheegay inay hay,addo halkeeda kasii wadeyso gurmadka iyo caawinta Ummadda Soomaaliyeed.

DAAWO .

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST