Wasiiro,Taliyayaal iyo Masuuliyiin Puntland oo maanta gaarey Goldogob

Waxaa maanta gaarey Degmada Goldogob oo ka tirsan Gobolka Mudug Wafuud heer sarre ah oo ka tirsan Goloyaasha Dowlada Puntland,Sida Wasiirka Wasaaradda Haweenka Puntland, Wasiirka Cadaalada iyo Diinta iyo Awqaafta,Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya, Taliyaha ciidanka Booliska iyo Xeer ilaaliyaha guud ee Dowlada Puntland.

Ujeedada socdaalka waftigan ayaa la xiriirta sidii ay xal ugu heli lahaayeen kiiskii kufsiga Gabadh ay u geysteen dhalinyaro ku nool Degmada Goldogob ee Gobolka Mudug.

Dadweynaha ku nool Degmada Goldogob ayaa gacmo furan iyo caleemo qoyan kusoo dhaweeyay waftiga maanta gaaray degmada Goldogob.

Daawo Sawirada.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST