Somtel Oo Adeeg Cusub Ka Daah Furtay Boosaso

Munasabadan Oo Lagu Daah Furayay Adeega Madhaafan Ee Shirkada Isgarsinta Ee Somtel Ayaa Waxaa Ka Soo Qayb Galay Masuliyiin Ka Socday Wasarada Warfaafinta Iyo Wasarada Shaqada Iyo Shaqalaha Puntland Ganacsatada Ku Xiran Shirkada Iyo Macamiisha Tagersan Adegyada Shirkada.

Barnaamijka Madhafaan Ayaa Waxaa Lagu Kulmiyay Adeegyo Badan Ay Shirkadu Wax Ka Badashay Oo Ay Ka Mid Yihiin In Qiimo Dhimis Lagu Sameyay Ku Hadalka 1ka Dolar Waxaa Malinti Ku Hadli Karta 120 Daqiiqo Habenkina Waxaa Ku Hadli Karta 160 Daqiiqo Kordhinta Khidmada Baraanjilayasha Adeega E-dahab Oo Aad Si Toosa Kaarka Mobilka Uga Isticmali Karto Iyo Inaa Qiimo Jaban Kula Hadli Karto Qoyskaga Dalka Dibadisa Jiira.

Shirkada Ayaa Sido Kale Wada Barnaamij Ay Ugu Magac dartay Saami Celin Bulshada Oo Malintii Halmilyan oo Shilinka Somaliga Labo Guleysto Siisa Isbuucina Waxay Bixisa Mobil Casub oo Casri Bil Walbana Waxaa Lagu Guleysta Computer Laptop- Ah Waxana Shirkada Kaliya Ee Bulshada Waxay Ka Qaado Dib Ugu Celisa.

Maamulaha Waaxda Ibgeynta Shirkada Somtel Maxamuud Ismaciil Ayaa Sharaxaya Barnaamijkan Ay Soo Kordhiyeen.

Madaxa Suuq Gaynta Shirkada Somatel Maxamed Fu’aad Ayaa Shegay In Barnaamijkan Uu Faaido Badan U Leyahay Macamisha Ku Xiran Shirkada.

Gudomiyaha Dhalinyarada Iyo Ciyaraha Gobalka Bari Maxamed Faarax Dalmar Ayaa Shegay Ka Dhalinyaro Ahaan Inay Shirkadu Garab Tagan Tahay Barnamijkan Cusubna Ay Soo Dhawaynayaan.

Agasimaha Wasarada Warfaafinta Isgaarsiinta Hidaha Iyo Dhaqanka Puntland Ee Gobalka Bari Maxamuud Warsame Axmed Fuube Ayaa Shirkada Somtel Ku Boriyay Garab Istago Bulshada Ku Xiran Isgarsinta Shirkada.

Barnaamijkan Madhaafan Ay Daah Furtay Shirkada Isgarsiinta Somtel Ayaa Waxay Faa’ido Ugu Jirta Shacabka Isticmasha Shirkada Taasi Oo Halka Dolar Malinti Ay Ku Hadli karaan 2 Saac Oo U Dhiganta 120 Daqiiqo Halka Habeenkina Ay Ku Hadli Karaan 3 Saac Oo U Dhiganta 160 Daqiiqo.

SAWIRRO :

 

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST