Musharax Abshir Xasan oo kormeeray Safaarada Somalida ee South Africa

Abshir Xasan Abshir oo ka mid ah musharaxiinta u tartamaya xilka madaxtinimada dalka Soomaaliya ayaa maanta booqasho ku tagay Safaaradda Soomaalida ee ku taala dalka Koonfur Africa, Wuxuuna halkaas kula kulmay Madaxda iyo Diblumaasiyiin ka tirsan Safaaradda

Musharaxa oo todobaadkan booqasho ku marayay dalka Koonfur Africa ayaa shirar kala duwan intii uu halkaas ku sugnaa la qaatay Jaaliyadda Soomaalida ee dalkaas ku nool iyo Diblumaasiyiin ka tirsan Dowlada Koonfur Africa.

Wuxuuna kulan kala warqaadasho oo ku saabsan nolosha iyo xaalada Somalida ku nool Koonfur Africa uu kula qaatay Musharax Abshir Xasan Madaxda Safaaradda iyo Diblumaasiyiin badan xarunta ay ku taalo Safaaradda Somalidu.

Daawo Sawiradda.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST