Ehlu sunna oo gacan ku dhiigle kusoo wareejisay Maamulka Gobolka Nugaal

Maamulka Gobolka Nugaal ayaa ku guulaystay soo qabashada gacan ku dhiigle lagu magacaabo Xuseen Ibraahim Yuusuf oo 18 bishaan January 2017 ku dilay Marxuum magaciisa la oran jiray Abdirasaaq Cabdulaahi Daroor  deegaanka Kurcad oo ku yaala inta u dhaxaysa Magacleey iyo Qorileey oo ah xuduudka ay wadaagaan Gobolada Nugaal iyo Sool.

Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar Cabdulahi Faraweyne oo la hadlay PUNTLAND POST ayaa sheegay inay ka dambeysay soo qabashada maxbuuskan ku eedeysan inuu dilay Marxuum Cabdirasaaq Daroor ka dib iskaashi dhex marey Maamulka Gobolka Nugaal iyo Maamulka ka arrimiya Gobolada Dhexe ee Soomaaliya Ehlu sunna Waljamaaca .

Gudoomiye Cumar Faraweyne oo Gaalkacyo kula soo wareegay Maxbuus Xuseen Ibraahim ayaa sheegay in laga soo qabtay deegaan magaciisa la yiraahdo Mareer-bur oo u dhaw degmada Dhuusa-mareeb Ka dibna maamulka Ehlu sunna Waljamaaca uu diyaarad kazoo saarey Degmada Guriceel , Wuxuuna kula wareegay Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo ka dibna isla maanta wuxuu usoo gudbiyay xabsiga dhexe ee magaalada Garowe.

Dilka uu ka geystay Xuseen Ibraahim Yuusuf Deegaanka Kurcad oo ka tirsan Gobolka Nugaal ayaa yimid ka dib heshiis sanadkii horre la kala dhex dhigay colaad in muddo ah u dhaxaysay labo beelood oo walaalo ah oo kazoo kala jeeda Gobolka Mudug iyo Gobolka Sool.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST