Wasiirka Haweenka Puntland oo u jawaabtay Madaxweyne Xasan Shiikh

Wasiirka Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Dowlada Puntland Dr Aniso Cabdulqaadir Xaaji Muumin oo maanta shir jaraa,iid ku qabatay magaalada Gaalkacyo ayaa uga hadashay kiiska la xiriira kufsi dhawaan ka dhacay degmada Goldogob ee Gobolka Mudug, Waxaana ku sugnaa goobta Wasiirku shirka ku qabatay hooyooyinka dhibanayaasha u ah kiiskan.

Wasiir Aniso ayaa jawaab kulul uga bixisay Shirkeeda Jaraa,iid qoraal kasoo baxay dhawaan Madaxweynihii horre ee Dowlada Federalka Xasan Shiikh Maxamuud oo sheegay inuu kaalmo lacag saddex kun oo dollar ah siin doono Gabadha lagu kufsaday Degmada Goldogob, Waxayna sheegtay Wasiir Aniso inay ku filan tahay Dowlada Puntland daryeelka iyo cadaalad u fidinta kiiska la xiriira dhibanaha Gabadha Islamarkaana taas bedelkeeda Kaalmada uu ku dhawaaqay Xasan Shiikh looga baahan yahay Muqdisho oo ay ka dhacaan kiisas ka waaweyn kan Goldogob wiilal dhalinyaro ah ugu geysteen Gabadha.

“Waxaan xasuusinayaa Xasan Sheikh, Puntland waa dowlad soo jirtay ilaa 1998, Waana dowlad awood u leh inay sharciga horkeento cid alle iyo cidii ku xad gudubta dadka qaasatan gabdhaha, sidaas darteed waxaan usoo jeedinayaa Xasan Shiikh inuu kaalmo siiyo gabdhaha Xamar lagu kufsanayo oo xitaa waayahaan danbe lasoo sheegayo inay ku jiraan wiilal la kufsaday” ayey tiri Wasiirka Haweenka Puntland.

Dhagayso Shirka Jaraa,iid ee Wasiir Aniso

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST