SHABAAB OO WEERARTAY SALDHIG BOOLIS OO KU YAALA MAGAALADA MANDHEERA

Mandheera[Puntland Post]Koox Hubeysan oo ka tirsan Ururka Al-shabaab ayaa Xalay Weerar ku qaaday Saldhigga Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya halkaasi ay ku lahayeen Ciidamo ka tirasan kenya.

Dagaalka oo Mudo socday ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan .

Goobjoogeyaal la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Dagaalku uu Sababay dhimasho iyo Dhaawac soo kala gaaray Dhinacyada Dagaalamay,waxaana sidoo kale Goobjoogeyaasha laga soo xigtay in ay Arkeen Meydadka Labo Askari oo Kenyan ah.

Ciidamada Kenya ayaa Saaka Baaritaano ka bilaabay xaafadaha kala duwan ee magaalada Mandheera ee dalka kenya.
Shabaab waxaa ay dhowr jeer Weerareen Magaalada Mandheera oo ku taalla Xaduuda Wadamada Soomaaliya iyo Kenya iyagoona dhacdoyin kala duwan ka gaystay halkaasi.

CABDIQANI BOS

PUNTLAND POST