Dhagaweyne oo loo doortay Gudoomiyaha Bisha Cas ee Gobolka Nugaal

Waxaa lagu doortay magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland Gudoomiyaha Bisha Cas ee Gobolka Nugaal ka dib doorasho ay ku kala saareen xubnaha Ururka Bisha Cas Cabdi Ibraahim Xasan iyo Cabdikariim Maxamed Faarax (Dhagaweyne) oo ku tartamay jagadan.

Cabdikariim Maxamed Faarax (Dhagaweyne) ayaa 62 cod uga guulaystay Musharaxii la tartamayay Cabdi Ibraahim Xasan oo helay 20 cod, waxaana loo doortay Gudoomiyaha Bisha Cas ee Gobolka Nugaal Cabdikariim Maxamed (Dhagaweyne).

Gudoomiyaha la doortay Cabdikariim Dhagaweyne ayaa uga mahadceliyay dadkii u doortay masuuliyadan , wuxuuna sheegay inuu si xalaal ah u gudan doono waajibaadka loo doortay, halka uu sheegay Cabdi Ibraahim oo ahaa musharaxii laga guulaystay in loo baahan yahay in lala shaqeeyo Gudoomiyaha la doortay.

Qaar ka mid ah Gudiga Bisha Cas oo ka hadlay madasha Doorashadda ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan Gudoomiyaha la doortay , Iyagoona ugu baaqay dhagaweyne waxqabad wanaagsan sanadka Cusub 2017.

Ugu danbeyntii waxaa soo xiray munaasabada doorashada Xoghayaha Ururka Bisha , wuxuuna kula dardaarmay in looga fadhiyo Gudoomiye Cabdikariim shaqo iyo wax-qabad wanaagsan.

Dhagayso Dadka ka hadlay Doorashada

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST