Wasiirka Haweenka Puntland oo timid Garowe una gudubtay Gaalkacyo

Wasiirka Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Dowlada Puntland Aniso Cabdulqaadir Xaaji Muumin ayaa u socdaashay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug Ka dib safar ay uga soo kicintintay dalka Jordan oo ay uga soo qayb gashay shir muhiim ah oo looga hadlayo Horumarinta Haweenka iyo Caruurta.

Wasiir Aniso Cabdulqaadir oo maanta kasoo degtay Garoonka Diyaaradaha magalada Garowe ee Konoco ayaa socdaal aan horey loo sii shaacin ugu gudubtay magaalada Gaalkacyo halkaas oo ay warar madax banaan sheegayaan inay kula kulmi doono  qoyska gabar dhawaan lagu kufsaday magaalada Goldogob.

Kala soco faahfaahin intaas dheer PUNTLAND POST

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST