Afdalow oo loo magacaabay Taliyaha Booliska Gobolka Mudug

Ka dib dikreeto kasoo baxday Xafiiska Taliyaha Booliska Puntland Cabdiqaadir Shire Faarax ayaa loogu magacaabay Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Mudug Cismaan Xasan Cuuke (Afdalow) ka dib markii xilkii laga qaaday taliyihii horre ee booliska Mudug Cabdiwaaxid Cabdulle Warsame.

Cismaan Xasan Cuuke (Afdalow) ayaa horey xilal uga soo qabtay Booliska Puntland , wuxuuna laba goor oo kala duwan soo noqday Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bari, Taliyaha Ciidanka Birmadka iyo Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Nugaal.

Sidoo kale taliyaha xilka laga qaaday Cabdiwaaxid Cabdulle Warsame ayaa loo magacaabay taliyaha hoggaanka booliska gobolka Mudug,sida lagu sheegay qoraal oo la soo garsiiyay PUNTLAND POST.

Isbedelka lagu sameeyay madax qeybeedka Booliska ee Gobolka Mudug ayaa kusoo beegmaya ka dib markii uu sababay inay xilka uga qaadaan Taliye Cabdiwaaxid khilaaf soo kala dhex galay Guddiga Amniga Gobolka Mudug

Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST