Khasaare ka dhashay iska hor,imaad ka dhacay xeebta Degmada Eyl

Iska hor imaad maanta ku dhex maray Kooxo la socday doonyo kaluumaysi iyo Ciidamada Badda Puntland ee saldhiga ku leh xeebta degmada Eyl Badweynta Hindiya waxaa ku dhaawacmay ilaa saddex ruux oo labo ka mid ah ay Ajnabi yihiin.

Cabdishakuur Axmed Aadan (Gorgor) oo ah suxufi madax banaan oo ku sugan degmada Eyl ayaa u sheegay PUNTLAND POST ka dib howl-gal subaxnimadii horre ku qaadeen ciidanka PMPF afar doonyood oo kaluumaysi sharci daro ah ka waday xeebta degmada Eyl in lagu soo qabtay labo ka mid ah doonyahaas Sidoo kalena lasoo gaarsiiyay Isbitaalka Eyl dhaawaca ilaa saddex qof oo labo ka mid ah ay u dhasheen dalka Yemen , Halka midka kalena Somali yahay.

Cabdishakuur ayaa intaas ku daray inaanu jirin khasaare ciidanka PMFP kasoo gaaray iska caabin ay kala kulmeen kooxihii la socday doonyaha Kaluumaysiga sharci darada oo uu ku wajahnaa hawlgalka ciidanka badda Puntland maanta ay ka fuliyeen xeebta degmada Eyl ee Gobolka Nugaal.

Sidoo kale Wariye Gorgor ayaa sheegay in ciidanku hawlgalkooda kusoo qabteen maxbuus Ajnabi ah oo bad qaba, wuxuuna sheegay inay gaareyso guud ahaan tirada maxaabiista la socotay doonyaha la qabtay ilaa afar qof oo saddex ka mid ah dhaawacyo ay kasoo gaareen hawlgalka ciidanka PMFP , Islamarkana lagu dabiibayo Isbitaalka Degmada Eyl.

Dhagayso Wareysiga Cabdishakuur.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST