Garowe:- Fagaare maanta lagu burburiyay khamro fara-badan

Garowe:- Gudoomiyaha Gobolka Nugaal iyo Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Nugaal ayaa maanta meel fagaare ah ku burburiyay dhalooyin fara-badan oo ay ku jireen khamri ka dib markii hawl-gal dhawaan ka dhacay magaalada Garowe ay kusoo qabteen ciidanka amaanku.

Burburinta Khamrigaan ayaa kusoo beegmaya xilli ay Maxkamadu ku xukuntay mid ka mid ah  afar qof oo la tuhunsanaa inay ku lug lahaayeen khamrada la burburiyay lix bilood oo xarig ah iyo lacag shan boqol oo dollar oo ganaax ah.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Nugaal Cabdirashiid Maxamuud Awxuseen (Xinjira dhuuq) ayaa uga digay cid walba oo ku lug leh ka ganacsiga maandooriyahaan oo uu sheegay inuu khatar ku yahay amniga iyo deganaanshaha.

Daawo Sawirada Khamrada maanta lagu burburiyey Garowe.

img-20170105-wa0000 img-20170105-wa0001 img-20170105-wa0002 img-20170105-wa0003 img-20170105-wa0004Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST