Wasaarada Caafimaadka Puntland oo diyaarinaysa qorshe shan sano ah.

Waxaa maanta ka furmay xarunta Wasaaradda Caafimaadka shir looga arrinsanayo soo saarista qeybtiisa labaad qorshaha 4 sano ama 5 sano ee soo socota uu ku shaqeyn lahaa Caafimaadka Puntland Ka dib markii uu bishii December 2016 soo dhamaaday qorshihii horre oo kasoo bilowday 2013 ilaa 2016 .

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Caafimaadka Dowlada Puntland Cabdirisaaq Xirsi Xasan oo ka hadlay shirkaan ayaa sheegay in lagu soo bandhigi doono shirkaan wixii laga bartay, Guulihii la gaaray iyo Caqabadihii ka jiray mudadii uu socday qorshihii horre ee kasoo bilowday 2013 ilaa 2016-ka.

Cabdirasaaq Xirsi ayaa sheegay in ujeedada shirkaan tahay la tashi, Islamarkaana ay kasoo qeyb galeen dhamaan Isku duwayaasha Caafimaadka ee Gobolada Puntland, Masuul ka socda daryeelka caafimaadka Asaasiga ah,Madaxda Dhakhaatiirta isbitaalada, Saraakiil ka socda Wasaaradaha Maaliyadda , Qorsheynta iyo Qeybo ka socda Ururada bulshada rayidka.

Agaasime Cabdirasaaq Xirsi Xasan ayaa intaas ku daray inay ka mid yihiin waxyaabaha ay xooga saari doonaan 5ta sano ee soo socota cudurada la xiriira dhimirka/maskaxda kuwaas oo uu sheegay in dadka qaba ay kusoo badanayaan deegaanada Puntland, Islamarkaana ay u baahan yihiin daryeel caafimaad oo rasmiya.

Dhagayso Agaasime Cabdirasaaq

15644918_1609073515775383_387435199_n 15857575_1609073085775426_1510486289_o 15870800_1609073555775379_1491154623_n 15871275_1609073642442037_619953550_n 15909171_1609072449108823_978786867_o 15879549_1609073392442062_1272573258_nAbshir Dhiirane
PUNTLAND POST