Musharax Abshir Xasan oo balan qaaday Bad-baadada Dhalinyarada

Musharax  Abshir xasan Abshir waa Musharaxa Ugu dada Yar Musharaxinta Xiligani u tartamaya Xilka Madaxweynaha ,Isagoona la Sheegay Inuu yahay Midka Sanadkani Ugu Dhalin yar In ka Badan 40 Musharax Oo sheegay Inay yahioin Musharaxin u taagan Xilka Madaxweynaha.

Musharax  Abshir xasan Abshir Ayaa Sheegay Inuu u taagan yahay bad baadinta Dhalinyarada Soomaaliyeed Ee intooda Badani Aana Haysan  Shaqo,waxbarasho,Ayna tanta Ku qasab tahay Inay U tahriibaan wadamada Shisheeyaha.

Kadib Markii uu Sheegay In La Karaamayn waayey Dhalinyarada Soomaaliyeed Ee dalka Wax Ku bartay,waxa Uu balan qaaday Inuu isbadal Ku samaynayo Dhalinyarada Soomaaliyeed Oo waxbartay lakiin loo diidey fursad Ay uga Qeyb galaan Siyaasada dalka.

Musharax  Abshir xasan Abshir Ayaa Sheegay Inuu isku sharaxay markii uu arkay Inay Dhalinyarada U baahan yahiin shaqsi fahmaya,madama Dhalinyarada Soomaaliyeed yahiinKuwa laga Qeyb galiyo dagaalada Iyo dhibaatada  Maskaxdooda Laga Faa’idaysto.

img_4553-2-768x512Amaanka

Musharax  Abshir xasan Abshir waxa Uu ka Hadlay amaanka dalka waxa UU sheegay inay dalka Soomaaliyeed waxa Ugu muhim san tahay ciidamo Qaran oo ka Madaxbanaan in gobo;lkasta Ciidamo  Beeleedyo joogaan lakiin looga Baahan yahay In Ciidamo qaran oo awood Badan la Sameeyo.

“Amaanka Soomaaliyeed waxba Kama Badali karayaan ciidamo shisheeye hadaan la Helin ciidamada Badali lahaa,waa In mushaarka  Ciidamada qaranka laga Hormariyaa  Ciidamada Shisheeye mushaarkooda,laguna Talo galaa Ciidamada Badali lahaa Ilaa dalka Iskama Joogayaan  Ciidamadani  Ayuu  Yiri “Musharax  Abshir xasan Abshir “.

Abaaraha Dalka

Musharaxinta Soomaaliya Waxay qabtaan malain kasta Shir jaraa’id oo canbarayn Ah taasi oo ku bixiyaan  Maalyiin lacag Ah Xili Shacabkii soomaaliyeed Ku dhibataysan yahiin  Dalka Abaarta Jirta Loogana Bahan yahay Inay Musharaxinta Ku mashquulana Inay  Abaaraha Dadkaasi la Qeybsadaan.

“Waxaan Diyaar u Ahay Inaan Noqdo  Musharaxii ugu Horeeyey Oo  Ku deeqa Lacagta oO ugu talo galay ololahiisa Siyaasada Soomaaliya,hadii shacabka Qaarna Qaxaan qaarna gaajo Iyo haraag U dhintaan yaa Madaxweyne Loo noqonaya Ayuu Yiri Musharax madaxweynaha Ugu Dhalinta Yar Musharax  Abshir xasan Abshir.

Xirirka Beesha Caalamka Iyo Soomaaliya Ayuu sheegay Inay tahay Mid muhim Ah Loogana Bahan yahay Inay Musharaxinta Noqdaan Kuwo Doonaya Inay wax ka Badalaan Sumcada Soomaaliya Looga Diley wadan fashilmay Inuu yahay,Hogaamiyaha waa inuu la Imaada Dulqaad Uusan umada U kala Eexanayn Ayuu Sii  raaciyey.

PUNTLAND POST