Kooxo Caafimaad oo loo diray deegaanadii Reer guuraagu u hayaameen.

Wasaarada Caafimaadka Puntland ayaa maanta koox ka shaqayn doonta arimaha cafimaadka u dirtay deegaanadii loo hayaamay ee gobolada Bari iyo  Kar-kaar kuwaasoo laga soo sheegay xaalad caafimaad oo aad u daran.

Waxaa la soo sheegayaa in Xaalado Caafimaad ay la soo darseen Qoysas xoolo dhaqato ah oo isugu tagay deegaano ka tirsan gobolada Kar-kaar iyo Bari ka dib markii halkaasi uu Roob Qabtay.

Waxaa kaloo la cadeeyay inay Cuduro ku dhaceen Xoolaha iyo dadkiii  hayaamay maadaama ay dad badan iskugu yimaadeen,Wasaarada Caafiamadka Puntland ayaa saaka  markii koowaad ambabixisay kooxo caafimaad si ay wax uga soo  qabtaan xaaladaha  ka jira goboladii loo hayaamay.

Agaasimaha guud ee wasaarada Caafimaadka Puntland Cabdirisaaq Xirsi Xasan ayaa sheegay inay dowlada qorshasay in la diro 10 kooxood  oo ka howlgali doono Gobolada Nugaal,Bari iyo Kar-kaar oo ah intay  Roobabku ka da,een.

Cabdirisaaq Xirsi Xasan ayaa sidoo kale  sheegay inay kooxdan  ka shaqeen doonto  arimaha caafimaadka oo kaliya soona gubin doonan xaalada ay ku nool yihiin dadka reer guuraaga ah,waxuuna dadka xoolo dhaqatada ah u soo jeediayay inay iska guban xoolaha  bakhtiyay si looga bad baado cudurada ka dhalan kara.

Waxa soo badanayay cabashada ka soo yeeraysay xoolo dhaqatadii u hayaamay goobihii ay Roobabku ka da,een,ilaa iyo hadana ma jirto cid wax ka qabatay oo dhanka dowlada ah, marka laga reebo kooxdan maanta ka baxday Garowe oo noqonaysa waftigii koowaad oo gaara deegaanadaas.

Dhagayso Agaasime Cabdirasaaq.

PUNTLANDPOST