Wasiirka Haweenka Puntland oo kormeer shaqo u tagtay Gaalkacyo

Gaalkacyo (Puntland Post):- Wasiirka Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Dowlada Puntland Drs Aniso Xaaji Cabdulle ayaa ugu kuurgalaysa socdaal ay ku tagtay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug xaalada haweenka ku nool halkaas iyo u kuurgalka daryeelka qaar ka mid ah dhaawacyada yaala Isbitaalka Gaalkacyo oo wasaaraddu gacanta ku hayso daryeelkooda.

Aniso Cabdulqaadir Xaaji Muumin ayaa kulan la qaadatay Maamo Xaawo Aadan oo Wasaaradda Horumarinta Haweenka kala shaqeysa mashaariic horumarineed , Sidoo kalena waxay booqasho ku tagtay xarumo kala duwan oo uu ka mid yahay Isbitaalka Gaalkacyo , Halkaas oo ay kula kulantay maamulka Isbitaalka.

Socdaalka Wasiirka Haweenka Puntland ku tagtay Gaalkacyo ayaa qeyb ka noqonaya howlaha horumarineed ee Wasaaraddu ka wado deegaanada Puntland.

Daawo Sawirada.

img-20170102-wa0000 img-20170102-wa0003 img-20170102-wa0006 img-20170102-wa0007 img-20170102-wa0008 img-20170102-wa0011 img-20170102-wa0012 img-20170102-wa0013 img-20170102-wa0014 img-20170102-wa0015 img-20170102-wa0016 img-20170102-wa0017 img-20170102-wa0018Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST