Madaxweyne kuxigeenkii hore Puntland oo beeniyay inuu ku biiray Somaliland

Madaxweyne kuxigeenkii horre ee Dowlada Puntland Gen Cabdisamad Cali Shire oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta PUNTLAND POST ayaa beeniyay warar lagu faafiyay baraha Internetka kuwaas oo lagu sheegay inuu ku biiray mid ka mid ah xisbiyada ka jira maamulka Somaliland.

Gen Cabdisamad Cali Shire ayaa sheegay inuu dalka Hindiya uga yimid safar la xiriira arrimo Caafimaad, Wuxuuna sheegay inuu kusoo beegmay socdaalkiisu magaalada Hargeysa, ka dibna uu xalay kulan qado sharaf ah uu ugu sameeyey isaga iyo rag kale Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Ciro .

Gen Shire ayaa sheegay inuusan la xiriirin arrimo siyaasadeed martiqaadka uu Hargeysa  ugu sameeyey Gudoomiyaha Xisbiga Wadani  Cabdiraxmaan Ciro.

PUNTLAND POST oo weydiisay  Su,aal ku saabsan Suurta-galnimada inay wax iska bedeli karaan mowqifkiisa Puntland ,Ayuu sheegay Gen Cabdisamad Cali Shire in taasi aan sinaba looga shakin karin , Islamarkaana macquul ahayn inuu u hanqal taago meel kale oo aan Puntland ahayn.

Dhagayso Wareysiga Gen Cabdisamad Cali Shire oo uu Wariye Abshir Dhiirane khadka telefonka kula yeeshay.

PUNTLAND POST