Bangiga Tawakal oo lacag ugu deeqay Abaarta iyo Airport-ka Garowe

Bangiga Caalamiga TAWAKAL ayaa lacag dhan toban ku oo dollar ku wareejiyay guddiga gurmadka abaaraha Puntland, Iyadoona uu ugu tala-galay lacagtan inuu uga qeyb qaato bangigu taakuleynta dadka ay saameeyeen abaaraha ku dhuftay Puntland .

Masuuliyiinta ugu sareysa Bangiga Tawakal ayaa ku wareejiyay Sheikh Cabdiqani Qorane oo ka tirsan guddiga culimada ee gurmadka abaaraha lacagtaan.

Sheikh Cabdiqani Qorane ayaa uga mahad celiyay masuuliyiinta Bankiga Tawakal, isagoona ku ammaanay taageerada lacageed oo ay uga qeyb qaateen gurmadka dadkooda abaartu saameysay.

Sidoo kale Bangiga TAWAKAL ayaa lacag ku wareejiyay lacag dhan shan kun oo dollar oo uu ugu deeqay dhismaha Garoonka Diyaaradaha magaalo madaxda Puntland ee Garowe.

img_2491 img_2499 img_2510 img_2548 img_2551 img_2552 img_2554 img_2557Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST