Bangiga TAWAKAL oo adeeg casriya kusoo bandhigay Garowe

Bangiga Caalamiga ee TAKAWAL ayaa xalay kusoo bandhigay magaalada Garowe barnaamij casriya oo noociisu yahay midkii ugu horeeyay oo ay soo bandhigto shirkad Soomaali ah Islamarkaana looga faa,iideysan doono lacag ku dirsiga dalka gudihiisa iyo dibadiisa , Wax kala iibsiga gudaha iyo dibada dalka iyo Lacag dirida Xawaalada.

Munaasabad si heer sarre loo soo agaasimay oo lagu soo bandhigayo adeegaan waxaa kasoo qeyb galay masuuliyiin ka tirsan dowlada Puntland, Maamulka Degmada Garowe, Ganacsato, Maamulka Bangiga TAKAWAL iyo Marti ka socota qeybaha kala duwan ee shacabka.

Barnaamijkan oo magaciisa la yiraahdo TAWAKAL (TPLUS) waxaa ka warbixiyay qaabka uu u shaqeynayo Eng Cali Siciid Maxamed oo ah maamulaha suuqgeynta Bangiga Tawakal, wuxuuna sheegay inuu ka kooban yahay barnaamijkaan (Tplus) adeegyada kala ah, lacag dirid (Xawaalad), lacag Moobayl lagu dirsado gudaha iyo dibada dalka, iyo Adeegyo wax lagu kala iibsado gudaha iyo dibada dalka.

Eng Cali Siciid ayaa sheegay inuu kaga duwan yahay barnaamijkaan adeegyada kala ee dalka laga isticmaalo , Isaga oo kaa caawinaya inaad dal iyo dibadba lacagtaada ku dirsan karto, Islamarkaana adiga laguugu soo diri karo, wuxuuna intaas ku daray in adeegaan uu ku xiran yahay adeegyada taleefoonada lacagta lagu dirsado ee laga isticmaalo gudaha dalka iyo qeybo ka mid ah dibada.

Maamulaha guud ee Bangiga TAWAKAL deegaanada Puntland Maxamed Cabdi oo ka hadlay munaasabada xalay lagu soo bandhigay Adeega TPLUS ayaa sheegay inuu yahay barnaamijkan midka ugu deg degsiiyaha badan ee qaabka lacag dirista wuxuuna sheegay inuu hormuu u noqon doono adeegyada kala ee laga isticmaalo gudaha dalka.

img_2479Dhinaca kale Maareeyahay Guud ee Bangiga TAWAKAL ee dalka Soomaaliya Maxamed Cali Jaamac ayaa shegay inuu u fududeyn doono bangiga TAWAKAL adeegaan casriga qofku inuu meel kasta la tagi karo lacagtiisa, Isaga oo isticmaalaya TPLUS wuxuuna carabka ku dhuftay in qofku si caalamiya uu ku diri karo lacagta, Islamarkaana uu ku qaadan karo.

Duqa Degmada Garowe Xasan Maxamed Ciise (Xasan Goodir) oo ka mid ahaa masuuliyiintii ka hadlay soo bandhigida Adeega TPLUS ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo barnaamijkan uu soo bandhigay bangiga TAWAKAL, wuxuuna hoosta ka xariiqay in tani soo bandhigayso horumarka weyn ee la gaaray, Isagoona ugu baaqay dadweynaha inay isticmaalaan.

Isku soo wada duuboo masuuliyiin kala duwan oo ka hadlay madasha lagu soo bandhigay barnaamijkan casriga ee uu soo kordhiyay bangiga TAKAWAL ayaa si isku mid ah u tilmaamay in shirkad walba lagu qiimeyn doono waxay kusoo kordhisay dalka, Waxayna uga mahadceliyeen Bangiga TAWAKAL sida uu ula jaanqaaday Tiknooloojiyada casriga ee maanta laga isticmaalo Adduunka.

img_2360 img_2365 img_2367 img_2368 img_2370 img_2372 img_2374 img_2375 img_2378 img_2379 img_2381 img_2383 img_2384 img_2385 img_2389 img_2390 img_2395 img_2400 img_2403 img_2404 img_2407 img_2411 img_2414 img_2415 img_2418 img_2420 img_2421 img_2423 img_2427 img_2428 img_2435 img_2437 img_2439 img_2440 img_2441 img_2443 img_2447 img_2448 img_2452 img_2453 img_2458 img_2459 img_2461 img_2465 img_2468 img_2469 img_2471 img_2472 img_2473 img_2479Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST