Dr Faroole oo ugu baaqay Puntland inay gudato waajibkeeda

Madaxweynihii hore Puntland Cabdiraxman Shiikh Maxamed Maxamuud Farole Waraysi uu Siiyey mid ka mid ah telefishinada Somalida, ayaa ka hadlay xaalada abaarta ka jirta Puntland iyo Hayaanka reer guuraa iyo duunyo fara-badan isugu tageen deegaano ka tirsan Gobolka Bari.

Cabdiraxman Farole ayaa tilmaamay in dhul ka tirsan Gobolka bari roobab xays ah oo qabtay inay kusoo hayaameen reer guuraa badan oo Soomaaliyeed , Islamarkaana ay ka imaan karto khatar haddii aanan si dhakhso loogu gurman , Isagoona carabta ku dhuftay Dr Faroole inuu ka cabsi qabo deegaankaas la isugu soo hayaamay inuu la mid noqdo  Xerada Qaxootiga ee Dhadhaabta dalka Kenya.

Cabdiraxmaan Faroole oo ka hadlaya qeylo dhaan uu sheegay inay kasoo gaartay Duqa Degmada Benderbeyla inuu ku garoowsaday inay deegaankaas oo xoolo dhaqato badan isugu soo hayaameen ay ka maqan yihiin Adeegyadii caafimaadka ee looga baahnaa, Wuxuuna sheegay inay hadda ka jiraan xaalad caafimaad daro oo soo wajahday dadka iyo duunyada.

Waxa uu u jeediyay Cabdiraxmaan Faroole Dowlada inay gudato waajibaadka ka saaran xaalada bini,aadamtinimo ee haysata reer guuraaga iyo xoolahooda, taas oo ay sababtay abaaraha ku dhuftay deegaanada miyiga ee dhulka Puntland.

Ma jirto ilaa hadda wax gar gaara oo loo fidiyey, walina Masuuliyiinta Puntland kama aysan hadlin, xilli ay isugu tageen deegaano kooban oo ku yaala Gobolka Bari dad iyo duunyo aad u fara-badan oo kasoo kala hayaamay Gobolada Dhexe, Somaliland iyo Guud ahaan Deegaanada Puntland.

Dhagayso Madaxweynihii horre ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole.

Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST