Qorshaha Horumarinta Puntland 2017-2019 oo maanta la daahfuray

Madaxweyne kuxigeenka Dowlada Puntland Eng Cabdixakiin Cabdulaahi Cumar Camay ayaa maanta ku daahfuray magaalada Garowe qorshaha horumarinta dowlada Puntland 2017-19 oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowlada Puntland.

Qorshahaan oo muujinaya wajigii ugu dambeeyay ee dadaalada horumarineed ee dowlada Puntland ayaa kasoo baxay dib u eegistii lagu sameeyey qorshihii labaad ee shanta sano 2014-2018 waxaana loo asteeyay kor u qaadis lagu sameeyo dhinaca tayada si loo horumariyo noloshada bulshada reer Puntland .

Wuxuuna ku dhisan yahay diyaarinta qorshaha horumarinta Puntland qaab wada tashi iyo wada shaqeyn oo ku salaysan baahida iyo rabitaanka bulshada reer Puntland, waxaana lagu fulin doonaa iyadoo loo marayo wadada iskaashi ee dhamaan hay,addaha kala duwan ee Dowlada.

Wasiirka Qorsheynta Shirre Xaaji Faarax ayaa sheegay in Puntland sii wadeyso wajiga saddexaad ee ku aadan hirgalinta qorshaheeda saddexaad, wuxuuna sheegay inay ku jiraan himilooyin waaweyn oo ah kuwii ay ku gaari lahayd Maamul wanaaga, Xoojinta amaanka, iyo Xasiloonida dhaqaalaha iyo Suuqa xorta .

img_2185 img_2232 img_2235 img_2188 img_2236 img_2248 img_2255 img_2225 img_2311 img_2315 img_2324 img_2270 img_2286 img_2315 img_2327 img_2331 img_2353 img_2355Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST