Culimada oo biyo dhaamis ka samaynaya Gobolka Sool

Hay,adda HARO oo uu wakiil ka yahay Sheekh Yaasiin Cabdulaahi ayaa maanta ka qeybisay biyo dhaamis deegaanada kala ah Bixcad, Lacle, Salma gorey, Meermeer, Galmadoobe, Dhagaxdheer, Boorleey,Shimbiraaleey oo dhamaantood ka tirsan Gobolka Sool.

Qorshahaan biyo dhaamiska ayaa qeyb ka ah qorshe ay ku jiheeyeen Guddiga Culimada Puntland inay ugu Biyo dhaamiso Hay,adda HARO deegaano ka tirsan Gobolka Sool , waxaana ka gacansiinaya Guddiga Culimada Gobolka Sool.

Sheekh Yaasiin Cabdulaahi oo wakiil u ah Hay,adda HARO ee samaysay biyo dhaamiska ayaa u sheegay PUNTLAND POST in 90 booyadood oo biyo ah ay ka qeybinayaan deegaano ka tirsan Gobolka Sool Islamarkaana shaqadaan ay bilaabeen maanta.

Yaasiin Cabdulaahi ayaa intaas ku daray in laga soo aruuriyay dhaqaalaha biyo dhaamiska loogu sameynayo deegaano ka tirsan Gobolka Sool Dadka degan Wadanka Mareykanka kuwaas oo uu sheegay inay usoo wakiisheen Hay,adda HARO qeybinta deeqdaan.

img-20161231-wa0001 img-20161231-wa0002 img-20161231-wa0003 img-20161231-wa0004 img-20161231-wa0005 img-20161231-wa0006 img-20161231-wa0007 img-20161231-wa0008 img-20161231-wa0009Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST