Wafti ka socda Somaliland oo tagey Degmada Taleex

Waxaa maanta gaaray magaalada Taleex ee Gobolka Sool wafti balaaran oo ka tirsan Maamulka Somaliland, waxaana hogaaminaya waftigaan Gudoomiyaha Xisbul xaakimka Kulmiye ahna musharax Madaxweyne ee xisbiga talada Somaliland haya.

Waftiga Somaliland ee maanta tagey degmada Taleex oo ay qeyb ka yihiin xubno Wasiiro ah oo uu ka mid yahay Wasiirka Madaxtooyada, Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Wasiirka Warfaafinta iyo Xildhibaano ayaa ku sheegay ujeedada ay u tageen Taleex inay salka ku hayso u kuurgalida Abaaraha ka jira Gobolka Sool.

Degmada Taleex oo dowlada Puntland sheegto iney kamid tahay qaybaha gobolka Sool ee hood yimaada ayaa wayadaan dambe waxaa saameyn badan oo siyaasadeed ku yeeshey dowlada Somaliland kadib markii halkaas ay booqashoyin ku tageen wufuud heer sare ee ka socota xukuumada Madaxweyne Silaanyo.

Safarka waftigaan ee gobolka Sool ayaa ku soo beegmaya xilli madaxda sare ee Puntland booqashooyin qaatey muddo bill ah ku maqnaayeen magaalada Muqdishu iyadoona ay ka imaanayaan shacabka deegaanadaas cabashooyin la xiriira abaaraha, amni xumo iyo sicir barar saameyey noloshooda.

Abshir Dhiirane
PUNTLAD POST