Reer Miyigii oo lagu qaabili waayay xafiisyada Dowlada Puntland

Garowe (Puntland Post):- Waxaa maalmihii u dambeeyay lagu arkayaa inta badan xafiisyada Dowlada Puntland ku leedahay magaalada Garowe, Reer guuraa la ildaran abaaraha kulul ee dalka ka jira oo hortuuban si ay dowlada uga helaan wax uun gacan siin ah, waxaana ka mid ah meelaha lagu arkayo subax walba dadkaan dhibaateysan xarunta Dowlada hoose ee magaalada Garowe

Qaar ka mid ah Dadkan oo maanta la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inaysan jirin cid ay wali ka heleen gacansiin ka dib markii ay ka dalbadeen dowlada sidii loogu caawin lahaa gadiid ay ugu hayaamaan deegaano ku yaala bariga fog ee Puntland oo dhawaan roobab ka da,een halkaas oo inta badan reer guuraa ka kala yimid Somaliland iyo Gobolada Puntland ay u naqraaceen.

Dadkan hordhooban xafiisyada dowladu ku leedahay magaalada Garowe waxaa ku jira waayeel sheegay inaysan jirin tabar ay uga guuraan dhulka abaaraha darani ka jiraan, waxayna ka dalbadeen cid walba oo islaam ah inay lasoo gaaraan caawin iyo gacan siin.

Waxaana muuqda dayac xoog leh oo ka jira qaabka gurmadka abaaraha ku dhuftay Puntland xilli dhawaan Dowladu u magacowday arrimahaas Guddi  ka shaqeeya oo Ardeyda, Ganacsatada iyo Jaaliyaddaha dibaddu ay ku wareejiyeen deeqo kala duwan oo loogu talagalay dadka ay saameeyeen abaaruhu.

Dhagayso Dhibaatada haysta Reer Guuraaga.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST