Dayac xoogan oo ka jira gurmadka abaaraha Puntland

Abaaraha ka jira Puntland ayaa maraya marxaladii ugu cuslayd, waxaana soo gaaray magaalooyinka waaweyn Garowe, Gaalkacyo, Bosaso, iyo Qardho kumanaan qof oo ku barakacay abaarta lixaadka leh ee ku dhufatay Puntland.

Dadka soo gaaray magaalooyinka iyo tuulooyinka ayaa u xaqiijiyay warbaahinta inaanu jirin ilaa iyo hadda wax gurmad ah oo soo gaaray, xilli ay jireen mudooyinkii u dambeeyay dhaq dhaqaaq xoog leh oo lagu aruurinayo Raashin, Dhar iyo Lacago loogu tala-galay in la gaarsiiyo dadka ku barakacay abaaraha.

Fawsiyo Xirsi Nimcaale oo ka mid ah qoysaska ku barakacay abaarta ee ku xarooday magaalada Gaalkacyo ayaa ugu baaqday Dowlada iyo Guddiyada ku shaqada leh abaarta inay lasoo gaaraan gurmad, waxayna sheegtay inay tahay xaalada ugu culus ee soo foodsaartay dhinaca caafimaadka.

Daawo codka Fawsiyo.

Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST