Dadweynaha Puntland oo ka hadlay kor u kaca sarifka lacagta dollar-ka

Waxaa kor u kac ku yimid sarifka lacaga qalaad ee magaalada Garowe, Bosaso, Gaalkacyo iyo Deegaanada Puntland ka dib markii uu gaaray todobaadkii ugu dambeeyay 100 kii dollar lacag shilin Somali ah oo dhan 2800, Laba malyan iyo sideed boqol oo shilinka Somaliga ah.

Kor u kaca sarifka lacagta qalaad ayaa imaanaysa xilli ay guud ahaan dalka ka jiraan abaaro lixaad leh oo sababay inaan dad badani aysan iibsan karin waxay wax ku cunaan iyo waxay ku maareyn lahaayeen noloshooda.

Idaacada Garowe oo ra,iyi uruurin ku samaysay kor u kaca ku yimid sarifka lacagta qalaad, waxa ay  inta badan dadweynihii ka qeybgalay barnaamijka ay ku dhaliileen Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda Dowlada Puntland inay ku fashilmeen shaqadooda iyo fariisinta sicirka guud ahaan dhaqaalaha.

Dhinaca kale magaalada Muqdisho ayuu ka marayaa sarifka 100-ka dollar lacag shilin Somaliya oo dhan 2,400 Laba Milyan iyo Afar boqol oo kun oo shilinka Somaliga ah , Waxayna tani u gaar tahay Puntland kor u kaca ku yimid sarifka lacagta Mareykanka.

Dhagayso Barnaamijka Ra,iga oo ay uga hadlayaan Dadweynuhu.

Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST