Somaliland oo naq-raacinaysa reer miyiga Sool iyo Cayn

dscn0716Maamulka Somaliland ayaa u diray dhawaad 30 gaari nooca Soomaalidu u taqaano Candho-meyd-laha reer guuraaga ku nool Gobolada Sool iyo Togdheer sidii loogu hayaamin lahaa deegaano ku yaala Gobolada Bari ,Karkaar iyo Sanaag oo ay dhawaan ka da,een roobab lixaad leh.

PUNTLAND POST ayaa loo xaqiijiyay inay ka dambeysay talaabadan ka dib markii uu amar ku bixiyay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamuud Siilaanyo in loo diro reer guuraaga Sool iyo Togdheer baabuur nooca xamuulka qaada si ay ugu naq-raaciyaan qoysas badan Deegaano ku yaala Bariga Soomaaliya.

Waxaana durbadiiba soo gaaray degmada Buuhoodle iyo Deegaano ka tirsan Gobolka Sool in badan oo ka mid ah gadiidkaan oo bilaabay daad gureynta reer miyiga iyo xoolahooda kuwaas oo hadda ka gudbaya laamiga dheer ee magaalooyinka Garowe iyo Qardho xilli ay kusii jeedaan deegaano ka tirsan Gobolka Bari iyo Karkaar ee Puntland.

Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST