Duqa Caasimada Puntland oo difaacay Tartanka Gabdhaha uga socda Garowe

Duqa Magaalada Garowe Xasan Maxamed Ciise (Goodir) oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa si adag u difaacay tartanka kubadda kolayga ee gabdhaha maamul goboleedyada uga socda Garowe, Wuxuuna sheegay inuu si habsami leh maalintii saddexaad u soconayo, ka dib markii uu carabka ku dhuftay in  kuwo la mid ah ciyaarahaan oo kale lagu qabto Dunida Islaamka.

Xasan Goodir ayaa sheegay inay ku wargaliyeen gabdhaha inay is asturaan, Islamarkaana si waafaqsan Anshaxa uu u dhaco tartanku, wuxuuna hoosta ka xariiqay inuu tartankani sharaf u yahay shacabka iyo dowlada Puntland.

“Ma ahan mid aan cid uga amar qaadanayno waa mid aan sidey tahay u fulinayno hami socodka ciyaaraha waana  masuuliyadda Dowlada ciddii ay marti galisay inay amnigooda sugto, Sidoo kalena u socoto sidii loogu tala-galay ciyaartu” ayuu yiri Xasan Maxamed Ciise.

Duqa Caasimada Puntland ayaa intaas ku daray in si la mid ah ay uga qabsoomi doonaan xarumaha dowlad goboleedyada kale tartamo kan la mid ah  Islamarkaana Puntland noqonayso meeshii ugu horeysay oo marti galisa tan iyo intay burburtay Dowladii dhexe ee Soomaaliya oo uu sheegay in la qaban jiray tartamada noocaan ah.

Hadalka Duqa magaalada Garowe ayaa kusoo beegmaya xilli qaar ka mid ah Culimadu ka digeen in lagu qabto  Garowe tartanka kubadda kolayga ee gabdhaha ka dib markii ay sheegeen inay arrintani kasoo horjeedo Anshaxa diinta , Islamarkaana ku baaqeen in la joojiyo.

Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST