Baabuur sida dad iyo xoolo reer miyi ah oo ku gadoomay Gobolka Nugaal

Wararka naga soo gaaraya magaalada Dongoroyo ee Gobolka Nugaal ayaa sheegaya inuu ku qalibmay deegaanka Ceelbuh oo hoostaga Degmada Dongoroyo gaari nooca xamuulka ah oo wada reer miyi hayaan ah oo kasoo kicitimay deegaano ka tirsan Gobolka Sool .

Maamulka Degmada Dongoroyo ayaa u xaqiijiyay PUNTLAND POST dhaawaca 12 qof oo isugu jira caruur iyo dumar , halka ay ku le,edeen gaariga gadoomay xoolo ari u badan oo uu waday Gaarigu

Shilkan gaari ayaa kusoo beegmaya ka dib markii ay maanta shaacisay PUNTLAND POST  warbixin ka hadlaysa in maamulka Somaliland ku dhawaad 30 gaari oo nooca xamuulka ah uu usoo diray sidii loogu naqraacin lahaa deegaano ka tirsan Bari iyo Karkaar oo ka mid ah dhulka Puntand qoysas reer guuraa ah oo ku nool Gobolada Sool iyo Togdheer.

Hayaanka reer guura ayaa ku wajahan deegaano ka tirsan Gobolada Sanaag, Bari iyo Karkaar oo qeybo ka mid ah dhawaan ay ka da,een roobab lixaad leh , waxaana usoo naq raacay Reer miyi ka kala yimid Gobolada Sool, Nugaal, Togdheer, Mudug iyo Meelo fara-badan oo ka mid ah dhulka Soomaalidu degto oo abaaro xoog leh ka jiraan.

Hoos ka Akhriso Warbixinta PUNTLAND POST ee Hayaanka Reer Guuraaga Somaliland

Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST