Garowe:- 15 Ardey oo maanta ka qalin-jabisay Jaamacadda GTEC

Waxaa maanta laga u qabtay magaalada Garowe munaasabad ay ku qalinjabiyeen 15 Ardey oo waxbarasho hal sano ah ka dhamaystay Jaamacadda Macalimiinta Puntland ee GTEC kuwaas oo ah dufcadii ugu horeysay oo GTEC ka barata cilmiga tiro-koobka (Statics).

Munaasabada ay ku qalinjabiyeen Ardeydaan waxaa kasoo qeybgalay Masuuliyiin kala duwan oo ka kala socda Wasaaradaha Waxbarashada, Qorsheynta iyo Maamulka Jaamacadda GTEC.

Maamulaha Jaamacadda GTEC Cabdiraxmaan Sheekh Doon ayaa faahfaahin ka bixiyay kuliyadda ay dhamaysteen Ardeyda, wuxuuna sheegay inay yihiin dufcaddii ugu horeysay oo kasoo baxda Jaamacadaha gudaha oo dhan Islamarkaana baratay cilmiga Tiro-koobka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sarre ee Dowlada Puntland Maxamed Cabdulqaadir Cismaan oo ka hadlay munaasabada qalinjabinta 15 ardey ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay cilmiga ay barteen oo uu ku tilmaamay inuu yahay mid ku yar deegaanada Puntland, Isagoona tilmaamay in baahi weyn loo qabay.

img_1941 img_1942 img_1944 img_1946 img_1949 img_1952 img_1954 img_1956 img_1957 img_1965 img_1966 img_1968 img_1970 img_1977 img_1982 img_1986 img_1995 img_1997 img_2003 img_2008 img_2014 img_2026 img_2035 img_2038 img_2058 img_2069 img_2070 img_2078 img_2090 img_2092 img_2093 img_2096 img_2103 img_2120 img_2133 img_2135 img_2146Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST