Xildhibaan Saadiq Abshir Garaad oo beeniyay inuu saxiixay warqad Somaliland ah

Xildhibaan Saadiq Abshir Garaad oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamanka Puntland ayaa beeniyey inuu wax ka saxiixay Warqad la sheegay inay kasoo baxday Siyaasiyiin kasoo jeeda Gobolka Waqooyi ee Soomaaliya oo looga hadlay arrimo ku saabsan suluugii ka jiray 11 Xildhibaan oo aqalka sarre ah.

Saadiq Abshir Garaad oo wareysi siiyay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in lagu been abuurtay saxiixiisa, Wuxuuna intaas ku daray inuusan aqoonsanayn wax Somaliland la yiraahdo , Isagoona si cad u sheegay in maamulkiisu yahay Puntland oo uu kasoo jeedo.

Wuxuu sheegay Saadiq Abshir Garaad inay u taalo Hogaamiyayaasha Soomaalida muranka ka jira Xildhibaanada Aqalka sarre ee Gobolada Waqooyi.

Dhagayso Wareysi Saadiq Abshir Garaad.

Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST