Machadka Himilo College oo Shahaadooyin Gudoonsiiyey Arday Tababar Dhamaystay

BOSASO(Puntland Post):-Machadka Hormarinta Xirfadaha, Luuqada Ingiriiska iyo Tababarada oo La Aasaasay sanadka 2016-ka, ayaa hormar balaaran ka sameeyay ujeedada loo Aasaasay oo ah Maalgalinta dadka oo macnaheedu uu yahay in la dhiso Garaadka bulshada Soomaaliyeed.

Machadka oo uu hormuud u yahay Prof. Maxamed Mahad Ciise Faarax, ayaa magaalada Boosaaso tababar ugu soo afmeeray 35 qof oo ka kala socday xarumaha Waxbarashadda, Hay’adaha iyo Shirkadaha Ganacsiga.

Maxamed Mahad oo la hadlay oo Puntland Posta , ayaa sheegay in Tababarku uu salka ku hayay Maaraynta Xafiisyada iyo xirafaha maamulka.

‘’Runtii dadka aan u qabanay Tababrka Waxyaabaha ay ku barteen tababarku inta uu socday waxaa ka mid ahaa;- Diyaarinta Warbixinada, waxaa kale oo la baray Qawaaniinta Maaraynta Xafiisyada, sida Qorshayaasha iyo shaqooyinka loo diyaariyo, Diyaarinta Miisaaniyada, Communication Skills iyo Casharo kale oo muhiim ah oo salka ku haya Maaraynta xafiisyada iyo xirfadaha Maamulka.

Prof. Maxamed Mahad ayaa sheegay in Machadka Himili ay ka go’an tahay inay si hufan ugu adeegaan bulshada Soomaaliyeed, wuxuu sheegay in Machadku uu xiriir dhow la leeyahay Macaahid kale oo caalami ah.

‘’Bulshadu waxay u baahan tahay in la Maalgaliyo, annaga hadafkeednu waa innan dadka ku Maalgalino Aqoon iyo xirfad, runtii mudadii uu machadku shaqaynayay wuxuu sameeyay bilow wannaagsan oo horsed u noqon doona innaan gaarno Himilada aan u Aasaasnay Machadka’’Ayuu yiri isaga oo hadalkiisa sii wata.

Wuxuu intaas ku daray inay dhowaan qaban doonaan tababaro kuwan dhigooda ah, ayna u faa’iidanayaan bulshada qaybaheeda kala duwan.

Qaar ka mid ah Ardaydii ka faa’iidaystay tababarka ayaa mahadcelin balaaran u jeediyay hormuudka Machadka Hilimo Prof. Maxamed Mahad, waxayna sheegen inay bulshada uga faa’iidaynayaan Aqoontii ay barteen shantii maalmood ee uu tababarku socday.

img-20161223-wa0007img-20161223-wa0006img-20161223-wa0005img-20161223-wa0002img-20161223-wa0004img-20161223-wa0003

CABDIQANI BOOS 

PUNTLAND POST,BOSASO.