Baabuur xamuul ah oo ku xaniban Waqooyiga Gaalkacyo

Gaalkacyo (Puntland Post):- Ku dhawaad 100 gaari oo ah nooca Xamuulka oo sida rar ganacsi oo ay kasoo qaadeen Dekeda magaalada Bosaso ayaa ku xaniban Kantaroolka Waqooyi ee magaalada Gaalkacyo ka dib markii amar kasoo baxay Puntland lagu diiday inay ugu gudbaan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo la hadlay PUNTLAND POST ayaa xaqiijiyay inta badan gadiidka halkaas ku xaniban oo sida rar culus inay qarxiyeen lugihii/Taayiradii xilli muddo ka badan todobaad ay halkaasi ku xaniban yihiin.

Qaar ka mid ah shaqaalaha Isbitaalka Gaalkacyo ayaa u xaqiijiyay PUNTLAND POST in la keenay dhaawaca mid ka mid ah gadiidka ku xaniban Kantaroolka Waqooyi ka dib markii uu xalay isku dayay inuu ka dhuunto goobta baabuurtu ku xaniban tahay.

Madaxweyne kuxigeenka Dowlada Puntland ayaa horey u bixiyay amar lagu diidayo in  Gadiidka Puntland uga gudbaan Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya, Waxaa kale oo jirta in arrintan lagu eedeynayo xubno ka tirsan Wasiirada Puntland.

15698210_990073027765023_2100802319109036524_n15622591_990073101098349_92671032872565459_nAbshir Dhiirane

PUNTLAND POST