MAAMULKA GOBALKA BARI OO DIGNIINO U DIRAY BULSHADA BOOSASO

Maamulka gobalka Barri iyo Kan degmada Boosaaso ayaa fariin kulul u diray Ganacsatada Hotelada iyo Geerashyada kuyaala magaaladaas, ka dib markii ay soo kordheen falal amaan darro oo kadhacay magaalada Boosaaso.

Duqa magaalada Boosaaso Yaasiim Mire Muuse ayaa sheegay in looga baahan yahay qof kasta oo ganacsato ah in uu diwaangaliyaan dadka u shaqeynaya, isagoo si gaar ah diirada u saaray Hotelada iyo meelaha baabuurta lagu sameeyo ee Geerashyada loo yaqaano.

Taliyaha Ciidanka Birmadka Puntland Gashaanle Dhexe Beer Geel Iyo Mid Ka Mida  ah Sarakiisha Sirdoonka Ayaa Shacabka Bosaso Ugu Baqay Inay Xogta Siyaan si loo ogaado kooxaha Amaan darada ka wada Boosaso.

Gudomiyaha Gobalka Bari Dr Yuusuf Maxamed Wacays Dhado Ayaa Rali Galin Ka Bixiyay Nin Shacab Ah Oo Ciidamada Bosaso Ay Shalay Dileen Waxana Uu Shegay Askarigii Dilka Gaystay In Sharciga La Horkeenayo.

dhanka kale waxa uu bulshada boosaso u sheegay in ay magaaladu tahay Aman kooxaha yar ee Amaan darad wadana la qaban doono isalamrkaan sharciga la hor keeni doono.

Hotelada magaalada Qoryaha yaala ee lagu wardiyeyo ayuu si kulu uga hadlay waxana uu sheegayn in aan la ogalan doonin hote danbe oo qori yaalo hadii aysan Amaanka  kala shaqayn laamaha Amaanka ee  Gobalka.

Mulkilayaasha Guryaha Bosaso Waxana Uu Sheegay In Dadka Dilalka ka wada Bosaso in ay gaalaan gurayah boosaso Gurigii Lagu Qabto na Ay Dowlada La Waregayso Mulkilaha Guriga Uu Danbile Yahay.

Todabaad Gudihii Ayaa Bosaso Waxaa Si Iskumida ah Logu Dilay Rabi Naxariisti Jano Ha Ka Warabiyee Taliye Ku Xigeenkii Sadexaad Ee Booliska Puntland Marxuum Jaamac Saxardiid Iyo Agaasimihii Madaxtoyada Bosaso Aadan Gaas Huruuse ku waas oo aan la soo qaban cidii ka dan baysay .

27693812

 

CABDIQANI BOOS 

PUNTLAND POST ,BOOSASO