Culimada oo cambaareeyay dilalkii Alshabab ka geysatay Bosaso

Garowe (Puntland Post):- Culimo udiinka Soomaaliyeed ee ku nool deegaanada Puntland ayaa maanta si kulul u cambaareeyay dilalka magaalada Bosaso maalmihii u dambeeyay loogu geystay labo masuul oo ka tirsan Dowlada Puntland, Islamarkaana ay sheegatay dilkooda inay ka dambeysay kooxda Alshabab.

Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo ka mid ah culimada saameynta ku leh deegaanada Puntland ayaa ku tilmaamay dilalka ka dhacay Bosaso inay yihiin kuwo xaaraam ah, Wuxuuna ugu baaqay alle ka cabsi dhalinyarada fulinaysa falalka madax jabiska ah.

Shiikh Maxamuud ayaa intaas ku daray inay mar walba diyaar u yihiin inay ummada u cadeeyaan xaqa, Horeyna ay culimado oo ka hadashay falalka dilalka qorsheysan ah inay ku tilmaameen kuwo alle ka dheeraansho ah oo horseedaya dulmi.

Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST