Ciidamada Puntland oo howlgalo Xalay ka sameeyey Boosaaso

Magaalada Boosaaso ayaa habeenimadii xalay waxa ay ciidamada Amaanka Puntland ay ka sameeyeen hawlgalo lagu sugayo Amanka waxayna galeen inta badan xaafaddaha magaalada, iyagoo guri-guri iyo goob goob u baaray goobo badan oo kuyaala gudaha magaalada Boosaso.

Puntland Post oo qaar kamid ah sarakiisha Amniga la xiriiratay ayaa sheegay in hawlagalkan ay bilowdeen fiidnimadii xalay islamrkaan la soo qabtay dad tiro badan oo laga shakiyey islmarkaana ay hada baaris ku hayaan.

Saraakiisha Laamaha Amniga ayaa ka gaabsaday in ay faahfaahin ka bixiyaan howlgaladan, waxaase la xaqiijinayaa in maanta la kala saari doono dadka lasoo qabtay.

Howlgalkan  ayaa waxaa ka qab qaadanaya  ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dawladda Puntland, gaar ah kuwo si gaar ah loogu tala galay.

Habeenadii u danbeyey ayaa waxa magaalada boosaso ka socday hawlgalo kuwaas oo la xiriira dilal qorshaysan oo laga fuliyey magaalada boosaso todobaadyadii ugu danbeyey ku was oo loogaysanyey masuuliyiin xilila ka haya Puntland iyo dad rad ah.

CABDIQANI BOOS 

PUNTLAND POST,BOOSASO