Tartanka Kubbadda Koleyga Gabdhaha Soomaaliya oo ka furmaya Garowe

Garowe (Puntland Post):- Galinka dambe maalinta beri ah waxa lagu wadaa in magaalada Garowe uu ka furmo tartanka kubbada koleyga ee Basket ballka oo dhex mari doona kooxo gabdho ah oo ku ciyaari doona magaca maamulada kala ah Jubaland, Hirshabelle, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Puntland oo  markii ugu horeysay ay marti galinaysa tartankaan oo lagu qabto Soomaaliya tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay dhacday Dowladii dhexe ee Soomaaliya .

Waxaa laga dareemayaa magaalada Garowe diyaargarow ku aadan ciyaarta tartankan, Waxaana soo gaaray magaalada Ciyaartooy Gabdho Soomaaliyeed ah oo ka kala yimid Maamul Goboleedyada iyo Dibadda, Halka ay sidoo kale magaalada soo gaareen korjoogto caalamiya oo ka yimid meelo badan oo ka mid ah Soomaaliya iyo Dibadda.

Waxaa la diyaariyay garoon loogu tala-galay inuu ka qabsoomo tartanka beri lagu wado inuu ka furmo magaalada Garowe, Haddaba PUNTLAND POST ayaa ka heshay sawiro horudhac ah oo muujinaya goobta loo diyaariyay inuu ka furmo tartanku.

Daawo Sawirada.

15595494_988264821279177_1421884254_o 15631336_988264831279176_1766649238_o 15658713_988264974612495_1330393620_o 15658800_988264954612497_1234352468_o 15681734_988264881279171_1897610661_o 15681943_988264864612506_779259232_o 15682040_988264917945834_1224622622_oAbshir Dhiirane

PUNTLAND POST