Taliyaha Booliska Puntland oo kormeeray saldhigyo ku yaala Gaalkacyo

Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Jen. C/qaadir Shire Faarax (Erag) iyo Saraakiil u hogaaminayo oo gaaray  Magaalada Gaalkacyo ayaa Maanta  kormeeray ku sameeyay  Saldhigyada Ciidamada Booliska ee Gobalka Mudug.

Jen.Erag ayaa kormeekiisa ka bilaabay Taliska qaybta Booliska Gobalka Mudug oo u  Warbixin kaga dhagaystay Taliyaha Qaybta Booliska G/dhexe C/waaxid Aw-doon oo tilmaamay in Ciidamada Gobalka si weyn uga shaqeeyan Ilaainta Amaanka.

Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Jen. C/qaadir Shire Faarax (Erag) ayaa kormeeray Laamaha  ilaalada Cashuuradda iyo Wadooyinka,Saldhigyada  Warshad-galayda, kan dhexe, Xarunta danbi baarista iyo Xarumo kale.

Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Jen. C/qaadir Shire Faarax (Erag)  ayaa sheegay in kormeerkiisan uu yahay uu kuurgalida tayada iyo tiradda Ciidamada Booliska Gobalka Mudug ee Puntland.

Sidoo kale,Jen. Erag ayaa Xusay in kormeerkiisu ay qayb ka tahay isku xiradda ama isfahansiinta Ciidamada Booliska iyo shacabka Gobalka Mudug,wuxuuna intaas ku daray inay Boolisku yihiin u Adeegyaasha Bulshada.

Dhinaca kale,Taliyaha Ciidamadiisa Booliska Jen.erag ayaa shacabka ka codsaday mar kale inay  si weyn ula shaqeeyan Ciidamada Booliska Puntland,wuxuuna xusay in Sirta shacabka ay boolisku ay  xifdiyidoonan.

Ugu Danbaytii, Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Jen. C/qaadir Shire Faarax (Erag) ayaa Tilmaamay in u sii wadidoona Tayaynta iyo tirinta Ciidamada Booliska Puntland ilaa shacabku aaminayaan u adeegidooda.

dsc_0006 dsc_0009 dsc_0010 dsc_0021 dsc_0022 dsc_0023 dsc_0026 dsc_0028 dsc_0038 dsc_0040 dsc_0046 dsc_0049 dsc_0052 dsc_0055 dsc_0059 dsc_0061 dsc_0062 dsc_0071 dsc_0073 dsc_0077 dsc_0080Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST