Agaasimihii Madaxtooyada Bosaso Aadan Gaas oo Maanta la Aasay

Magaalada Bosaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa maanta lagu aasay Allaha u naxariistee agaasimihii madaxtooyada Bosaso Aadan Gaas Huruuse oo koox hubeysan shalay ku dishay magaalada.

Aaaska marxuumka ayaa waxaa ka qeyb galay maamulka gobolka Bari, kan degmada Bosaso, xubno ka tirsan golaha wasiirada, saraakiil iyo bulshada qeybaheeda kale duwan

Yuusuf Maxamad Waceys Dhedo, Gudoomiyaha gobolka Bari oo aaska ka hadlay ayaa sheegay in marxuumka ay ahaayeen saaxiibo isku dhow, isagoona tacsi diiranyo leh u diray shacabka reer Puntland.

Dhedo ayaa sheegay iney Hayaan Xogo Badan oo La xiriira Kooxii ka danbeeyay dilalkii ugu danbeeyay ee ka dhaca magaalada kuwaas oo loo geysto saraakiil ka Tirsan Puntland

“Dadweynaha reer Puntland waxaan u sheegayaa in aysan ka argagixin waxyaabihii ka dhacay magaalada, waxaan haynaa xogtooda, dhawaana, waa soo bandhigi doonaa, waxaan ka codsanaynaa shacabka in ay la shaqeeyaan ciidanka ” Ayuu Yiri Dhedo oo hadlayay Aaska Kadib,

waa masuulkii labaad ee ka tirasan Puntland oo mudo todobaad gudihi  ah lagu dilo magaalada Boosaso.

Dilka Shalay loogu geystay Bartamaha Boosaso, Agaasimihii Madaxtooyada waxaa masuuliyadiisa sheegatay Kooxda Al-shabaab

dsc_0004-copy-2

dsc_0006-copy-2

dsc_0008-copy

dsc_0010-copy

dsc_0012

dsc_0014

dsc_0015-copy

dsc_0020

dsc_0022

dsc_0026

dsc_0029

dsc_0034

dsc_0036

dsc_0040

dsc_0042

dsc_0044-copy

dsc_0048

dsc_0064

dsc_0110

dsc_0116

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST , BOOSASO