Wasiirka Caafimaadka Puntland oo lagu soo dhaweeyay Toronto Dalka Canada

Jaaliyadda  Somaliyeed  ee magaalada Toronto dalka Canada ayaa u qabatay xaflad soo dhaweyn ah Wasiirka Caafimaadka Dowlada Puntland Dr Cabdinaasir Cuuke oo horey uga tirsanaan jiray Jaaliyaddaas.

Wasiirka Caafimaadka Puntland ayaa uga warbixiyay Jaaliyadda ku nool Toronto Xaalada Abaaraha, Caafimaadka iyo Guud ahaan xaalada uu ku sugan yahay dalku, Isagoona warbixin dheer ka jeediyay xaalada abaarta oo uu sheegay in “Sima”  loo bixiyey, Puntland ay tahay meesha ugu daran, iyo sida loogu baahanayahay in gacan weyn looga geysto u gargaaridda dadkaas ilaa biyo GU’ laga gaarayo.

Wasiir Cabdinaasir Cuuke ayaa ka hadlay horumarinta caafimaadka, iyo waxa u qabsoomay Puntland,iyo Baahiyaha kala duwan oo u baahan in laga wada qayb qaato.

Dr Cabdinaasir Cuuke ayaa sheegay in Wasaaradiisu 10 degmo oo ah kuwa ka fog laamiga ka wado barnaamij si loo yareeyo dhimashada hooyada iyoo ilmaha soo foodsaarta xillliga foosha , Wuxuuna ka codsaday Jaaliyadda inay kala qeyb qaadato mashruucaas xagga qalabka qalliinka iyo dhismaha qolalka qalliinka.

Xubno kala duwan oo Jaaliyadda katirsan kana hadlay goobta ayaa ballan qaaday inay gacan ka geysanayaan  abaaraha iyo mashruuca qiimaha leh oo  dhimashada Hooyada iyo ilmaha lagu yaraynayo

Ugu dambeyntii Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr Cabdinaasir Cuuke  wuxuu uga mahadceliyay Jaaliyadda Reer Toronto soo dhaweynta iyo balanqaadka uu kala kulmay.

15401321_1270904006301487_1192063211_n 15435695_1270903682968186_1879309242_n 15592421_1270903686301519_1494495435_n 15644254_1270903622968192_599417553_n 15644368_1270904052968149_273008261_n 15644388_1270903632968191_2004977771_n 15645069_1270904082968146_1801440909_n 15645112_1270903582968196_1349696878_n 15645154_1270904066301481_517338668_n 15645247_1270904079634813_1879283877_n 15645456_1270904026301485_1922268515_n 15645678_1270903669634854_2000069734_n 15673107_1270904056301482_2043780613_n 15673407_1270903642968190_2102726789_nPUNTLAND POST