Taliye Boolis oo daboolka ka qaaday sir ku saabsan Gaalkacyo

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Mudug ayaa shaaca ka qaaday xog ku saabsan xiisada dabada dheeraatay ee u dhaxaysa Galmudug iyo Puntland kana jirta magaalada Gaalkacyo, Ka dib markii uu ka horyimid xil ka qaadis aan sharci ahayn oo ay xalay ku sameeyeen guddi ay ka mid yihiin xubno wasiiro ah oo ka tirsan Xukuumadda Puntland.

Cabdiwaaxid Cabdulle Warsame Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Mudug ayaa sheegay inay isku qabteen guddiga sheegay inay ku sameeyeen xil ka qaadis aan sharci ahayn labo arrimood oo midd tahay ka dib markii uu fuliyay amar uu ku  bixiyay Madaxweynaha Puntland in la fasaxo ku dhawaad 70 gaari oo nooca xamuulka kuwaas oo ku xanibnaa Kantaroolka Waqooyi ee magaalada Gaalkacyo.

“Waxaa jira niman Wasiiro ah oo  intii xilka naloo magacaabay 5tii bilood ee lasoo dhaafay Annaga na dulsaarnaa oo ah niman Wasaaradahoodii waxba ka tari waayay oo nin walba la yaqaano oo hadaanu nahay Maamulka Gobolka aanu ka shaqeyn kari waynay “ Ayuu yiri Taliye Cabdiwaaxid

Cabdiwaaxid ayaa hoosta ka xariiqay inuu ku amar diiday xubno Wasiiro ah oo uu ka mid yahay Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gadiidka Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi oo amar ku siiyay inaanu fulin amarkii uu bixiyay Madaxweyne Gaas , Wuxuuna ku eedeeyay Wasiir Cabdirashiid Maxamed Xirsi in uusan raali ka ahayn inay nabad noqoto Gaalkacyo , Isagoona sheegay inay jiraan qorshayaal ka duwan heshiiska Gaalkacyo oo ay dabada ka riixayaan masuuliyiinta uu eedeynta u jeediyay Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Mudug

Ujeedada dhabta ah waxa weeye inay yihiin nimanka isku sheegaya Guddiga Gaalkacyo kuwo raba in dagaalku sii socdo, oo raba inay gataan dhulalka Dowlada qorshayaal noocaas ah baa u degsan xubnahaan ku jira Guddiga” Ayuu yiri Taliye Cabdiwaaxid oo si kulul uga hadlaya Xil ka qaadis aan sharci ahayn oo xalay ku sameeyeen xubno guddi ah

Isku soo wada duuboo hadalka Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Mudug ayaa kusoo beegmaya xilli maalmihii u dambeeyay laga dareemayo magaalada Gaalkacyo xiisad dib uga soo cusboonaatay Iyadoo aanan jirin xal ay weli ka keeneen guddiyo ay horboodayaan Wasiiro ka tirsan Dowlada Puntland .

Xafiiska Gaalkacyo

PUNTLAND POST