Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo tagey degmada Buuhoodle ee Gobolka Cayn

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya,Cabdi Maxamuud Cumar ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay deegaanka Shaxda ee duleedka degmada Buuhoodle oo ka tirsan gobolka Ceyn.

Boqollaal dad ah ayuu la hadlay madaxweynaha oo ay waheliyeen mas’uuliyiin kale oo dowlad deegaanka ka tirsan,waxaa kalo goob-joog ahaa odayaal iyo salaadiin caan ka ah gobolka.

Wuxuu ku sheegay madaxweyne Cumar booqashadiisa deegaannada ku dhow Buudoodle inay la xiriiran sidii uu ugu kurgali lahaa xaalada abaareed ee ka jirta deegaanadan.

Wuxuuna intaas ku daray Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar in dowladda uu hoggaamiyo ay si weyn uga qeyb-qaadan doonto taakulaynta dadka ku tabaaleysan deegaannada ay abaarta ku dhufatay.

Docda kale,madaxweynaha dowlad deegaanka wuxuu kulamo la qaatay odayaasha dhaqanka ee beelaha degga gobolladda,waxaana ka mid ahaa isimada uu madaxweynaha kulanka gaarka ah la qaatay Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe.

Booqashada uu gobolka Ceyn ku soo gaaray madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar,waxaa lugu sheegay midii ugu horreysay muddada uu hoggaaminayay dowladda Soomaalida ee Itoobiya.

2-19 3-16 4-11 timthumb-phpAbshir Dhiirane
PUNTLAND POST