Agaasimihii Madaxtooyada Bosaso oo goordhawayd la dilay

Waxaa goordhawayd magaalada Bosaso kooxo hubeysan ku toogteen Agaasimihii Madaxtooyada Bosaso ee Dowlada Puntland Aadan Gaas.

Agaasime Aadan Gaas ayaa u geeriyooday dhawr xabo oo ay madaxa uga dhufteen kooxo aan heybtooda la garanayn isagoo fadhiya mid ka mid ah kuraasta meherada Hotel Huruuse sida loo xaqiijiyay warbaahinta PUNTLAND POST

Waa masuulkii labaad oo ka tirsan Dowlada Puntland oo muddo todobaad gudihiis ah kooxo aan heybtooda la garanayn ku toogtaan gudaha magaalada Bosaso.

Kala soco PUNTLAND POST wixii faahfaahin ah.