Hay’adda Astaynta Maamul wanaagga iyo La dagaalanka Musuqmaasuqa Puntland oo qabatay shir muhiim ah.

Hay’adda Astaynta Maamul wanaagga iyo La dagaalanka Musuqmasuqa dowladda Puntland ayaa maanta u qabatay shir muhiim ah Nabadoonadda iyo Maamulka Gobolka Nugaal, waxayna ahayd ujeedada shirkaani sidii loogu baraarujin lahaa qeybaha kala duwan ee bulshada qorshaha dowlada ee maamul baahinta Maamul Wanaagga iyo Sidii looga hortagi lahaa dagaal cadna loola gali lahaa Musuqmaasuqa iyo Wax walba oo ka hor imaanaya nidaamka dowladnimada.

Waxaa kasoo qeyb galay shirkan Aqoonyahano, Culimo udiin, Masuuliyiin ka socda Dowlada, Maamulka Gobolka iyo Inta badan Nabadoonada Gobolka Nugaal Kuwaas oo dhamaantood ka dhagaystay Hay,adda Astaynta Maamul wanaagga iyo la dagaalanka musuq masuqa muhiimadda ay leedahay in Maamul wanaag dhab oo muuqda uu ka taabo galo Puntland oo dhan iyo Sidii loo joogteyn lahaa in si wada jir ah ay isaga kaashan lahaayeen Dowlad iyo Shacab intaba.

Agaasimaha hay’adda astaynta Maamul wanaagga Dowladda Puntland Cabdiraxmaan Cali Guureeye ayaa ka warramay qorshahooda la xiriira maamul wanaagga iyo La dagaalanka Musuq maasuqa saddexda sano ee soo socota, Isagoona carabka ku adkeeyey muhiimadda Isimadda, Nabdoonadda iyo Qeybaha kala duwan ee bulshada heer gobol ilaa heer Puntland looga baahan yahay inay taaba galiyaan baahinta Maamul Wanaagga iyo inay qeyb muhiim ah ka noqdaan dhammaantood sidii looga ciribtiri lahaa Puntland musuqmaasuqa.

“Ka xafiis ahaan howlahayaga shaqo ee sannadkan 2017ka waxaa qayb ka ah qorshe aan u bixinay hoos ka dhiska Maamul wanaagga, kaas oo aan doonayno inaan Wacyi galin iyo tabarro badan siino maamullada heer gobol iyo Nabadoonadda Puntland si kor loogu qaado aqoontooda” Ayuu yiri Cabdiraxmaan Cali Guureeye.

Sidoo kale waxaa ka hadlay munaasabadda Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf Madaxa Jaamacadda Bariga Africa Faraceeda Garowe, Aqoonyahan Aadan Maxamed Ciise (Gaadaale), Gudoomiyihii horre ee Gobolka Mudug, Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Nugaal Qaasim Awcabdi, iyo Nabadoono.

Wasiir Kuxigeenka Arrimaha Gudaha Dowlada Puntland Cabdullahi Xaashi Qoobdeero oo gaba gabadii shirka hadal kasoo jeediyay ayaa si qoto dheer uga hadlay ahmiyadd ay leedahay in maamul wanaagga laga wada qayb qaato, Islamarkaana dagaal cad lala galo musuqmaasuqa.

img_1216 img_1226 img_1238 img_1242 img_1249 img_1256 img_1265 img_1267 img_1277 img_1281 img_1285 img_1299 img_1316 img_1327 img_1339 img_1346 img_1363 img_1365 img_1374 img_1383 img_1387 img_1391 img_1396 img_1400 img_1402 img_1404Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST