Dhagayso Qoys biyo kula tageen Gobolka Karkaar

Roobab Lixaad leh oo ka da,ay deegaano ka tirsan Gobolada Bari iyo Karkaar ee Puntland ayaa qeybtood waxyeelo kasoo gaartay dad iyo duunyo ku nool tuulooyin hoostaga Gobolka Karkaar sida uu u xaqiijiyay PUNTLAND POST Jaamac Cismaan Good oo la dhashay qoys waxyeelo kasoo gaartay roobabkii xalay.

Jaamac Cismaan Good ayaa u sheegay PUNTLAND POST in qoyska walaalkiis Maxamuud Cismaan Good biyo soo rogmaday ay xalay la tageen Xaaskiisa iyo Wiil uu dhalay , Islamarkaana maanta la helay meydka labadaan qof .

Jaamac Cismaan ayaa intaas ku daray in gabi ahaanba xoolihii ay haysteen biyo la tageen qoyska labada qof daadka biyuhu xalay la tageen, wuxuuna ugu baaqay cid kasta oo islaam ah iyo Dowlada Puntland inay gacan ka geysato caawinta waxyeelada kasoo gaartey roobabkii xalay qoyska walaalkiis.

Dhagayso Wareysiga Jaamac Cismaan Good .

Dhinaca kale ka sokow waxyeelada qeybtood geysteen roobabkii xalay ka da,ay deegaano ka tirsan Gobolada Bari iyo Karkaar waxaa si weyn ugu diirsaday bulshada iyo duunyada ku nool dhulkaas.
Waxaana maanta laga dareemayaa inta badan deegaanada Puntland jawi ka duwan maalmihii lasoo dhaafay, Iyadoona Deegaano ku yaala Gobolada Nugaal, Karkaar, Sool, iyo Sanaag maanta laga dareemayo jawi roobaysan cirku shuuxayo.

Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST.