Cabsi laga qabo inuu meesha ka baxo wada-hadalka Gaalkacyo

Gaalkacyo (Puntland Post):- Waxaa meesha kasii baxaya wada hadalo Gaalkacyo uga socday muddo ka badan bil Guddiyo ka kala tirsan Puntland iyo Galmudug ka dib maalmihii ugu dambeeyay oo laga dareemayo magaalada jawi ka duwan sidii horre, Islamarkaana uu hakad galay wada hadalka labada dhinac oo wararku sheegayaan inuu soo kala dhex galay khilaaf salka ku haya xirnaansho wadooyin iyo hakad ku yimid mar kale gadiidka isaga kala gudba Puntland iyo Galmudug.

PUNTLAND POST ayay u xaqiijiyeen qaar ka mid ah Waxgaradka iyo Wariyaasha jooga Gaalkacyo in labadii todobaad ee ugu dambeeyay uu hakad ku yimid dhaq dhaqaaqa gadiidka isaga kala gudbi jiray Xaafadda Baraxleey iyo Waqooyiga Gaalkacyo ka dib markii labada dhinac-ba ay Ciid tuuro ama Caro kaawooyin ku gooyeen wadooyinka iyo laamiga dheer ee isku xira Gaalkacyo iyo Gobolada Dhexe.

“Waxba iskuma gudbaan, laamiga ka yimaada Xamar iyo Wadooyinka Gala Xaafadda Baraxleey waa go,an yihiin, Waxaana maanta lagu dejiyay Hotel TAAR CITY gadiid Galmudug u siday muwaaciyo ka timid Hay,adda WFP” ayuu yiri Axmed Sheekh oo ka mid ah Wariyaasha ku nool Gaalkacyo.

Axmed Sheekh ayaa sheegay intii uu socday wada hadalku inay jireen khiyaamooyin daciifinaya heshiiska oo ay sameeyeen labada dhinacba sida in la gooyo wadada laamiga hoose ee ka timaada dhinaca Muqdisho, Lacago dheeri ah oo lagu amray baabuurta usoo gudubta dhinaca Puntland iyo Dhul balaarsi lagu bilaamay dhismaha wadooyin cusub iyo dhismaha dhul banaan oo bogcado ahaa.

Axmed ayaa intaas ku daray inay qeyb weyn ka tahay xiisada u dhaxaysa labada dhinac, Iyadoo aanu raali ka ahayn dadka kasoo jeeda Galmudug dhismaha goob Maxjar ah, Halka Dadka kasoo jeedana Puntland ay wali kusii indho adag yihiin dhisida goobtaas iyo bixinta wadooyin hor leh.

Ma jirto cid ka tirsan labada dhinac oo rajo iyo tixgalin lagu qabo inay fuliso qodobada kasoo baxa wada hadalka iyo Shirarka maalin walba Gaalkacyo uga socday Guddiyada Galmudug iyo Puntland.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST