Hay,adda Astaynta Puntland oo tacsi u dirtay Dr Cabdiraxmaan Axmed “Sulub”

Agaasimaha hay’adda astaynta maamul wanagga iyo la dagaalnka musuq maasuqa Dowladda Puntland  Cabdiraxmaan Cali Guureeye iyo dhammaan shaqaalaha Hay’adda  ayaa waxay tacsi u dirayaan Dhamaan Reer axmed nuur, khaas ahaan Dr Cabdirahmaan Axmed Nuur iyo qoyskiisa , waxayna uga tacsiyadaynayaan geeridii Naxdinta lahayd ee ku timid Laba Gabdhood oo uu dhalay Dr Sulub, oo kala ah Nasiba Cabdiraxmaan Axmed nuur (29 Jir ) iyo Asma Cabdiaxmaan Axmed  Nuur (32 Jir )  oo Habeenimadii Sabtida Lagu dilay magaaladda Otowa dalka Canada.

Geeridaas oo ahayd mid naxdin leh  ayaa Dhaammaan Dadka yaqiin labadan Gabdhood  waxay isla qireen inay ahaayeen Gabdho Ehli diin ah oo qur’aanka Dadka bara, wax baashadana  heer wanaagsan oo jaamacdeed ka marayey.

Jariiradda Otowa sun oo wax ka qortayna waxay ku sifaysay gabdho aad wanaagsanaa oo  bulshada weynta taqaanay qiima weyn uga dhex lahaa.

Aaska ayaa waxaa lagu wadaa maalinadda Axadda (maanta) oo lagu tukan doono  Jami  Omar Mosque, waxaana lagu aasi doonaa Qabuuraha islaamka ee Otowa (otowa Muslim cemetry)  haddi Alla midmo.

Waxaan leenahay Rabbi ha naxafiisto, Janadiisa qaaliga ahna ha ugu bishaareeyo, Dhamaan reer Axmed Nuur, hoyadii dhashay Gabdhaha, Dr sulub iyo dhamaanteenna Samir iyo iimaan Rabbi ha inaka siiyo. Aamiin.

Cabdiraxmaan Cali Guureeye
Agaasimaha Asteynta,Maamul wanaaga,iyo La dagaalanka Musuq maasuqa Dowlada Puntland