Cabdifataax Salaad oo kulan casho sharaf ah ku qabtay Garowe

Garowe (Puntland Post):- Cabdifataax Salaad Adaan oo ka mid ahaa Musharaxiinta isu soo taagay inay u tartamaan kuraasta Gobolka Nugaal ku leedahay Aqalka Hoose ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa xalay kulan casho sharaf ugu sameeyay magaalada Garowe ,Masuuliyiin xilal ka haya Dowlada Puntland, qeybo ka mid ah bulshada sida Aqoonyahano, Odoyaal, Siyaasiin iyo taageerayaal ka gacan siinayay xilligii uu ololaha ugu jiray raadinta mid ka mid ah kuraasta Gobolka Nugaal laga siiyay Aqalka Hoose ee Baarlamanka Soomaaliya.

Cabdifataax Salaad ayaa sheegay inuu taageero weyn kala kulmay inta badan mudanka bulshada sida Odoyaasha, Aqoonyahanada, siyaasiinta iyo masuuliyiin xilal haya, haddey tahay mid ololihiisa ah iyo mid talaba, Isagoona uga mahadceliyay dhinacyadii taageerada la garab taagnaa xilligii uu raadinayay kursiga Xildhibaanimada.

“Haddii aan wax helo oo kursigaas ku fariisto ragga waan isugu yeeri lahaa oo waad mahadsan tihiin waan oran lahaa, Laakiin haddii aan wax waayay hadde raggu waa ila duubnaayeene way i qabataa inaan ku dhaho waad mahadsan tihiin waxba ma aynu heline “ ayuu yiri Cabdifataax oo la hadlaya Taageerayaashii,.

Cabdifataax ayaa intaas ku daray inuu mudo raadinayay Kursiga Xildhibaanimada, Islamarkaana uu ahaa qorshihii uu kusoo talagalay inuu helo ama uu waayo,wuxuuna sheegay inay ku dhamaatay sidii uu ilaahay ku tala-galay.

Dhinaca kale kasoo qeybgalayaasha kulanka casho sharafta oo goobta ka hadlay ayaa ku amaanay Cabdifitaax Salaad Aadan inuu yahay shaqsi  firfircoon oo u qalma inuu matalo Shacabka Puntland iyo Guud ahaan bulshada Soomaaliyeed.

Waxayna sheegeen xubno ka mid ah Odoyaasha iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Puntland oo madasha ka hadlay inay tahay wax ku cusub shaqsi waayay xilkuu doonayay misana weli xasuusan taageerayaashiisa, Waxayna taas ku fasireen inay u furi doonto Cabdifitaax Salaad albaab ku dayasho mudan.

Cabdifataax Salaad Aadan ayaa ka mid ah saraakiisha ka hawlgasha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, waxaana lagu wadaa inuu dhawaan u socdaalo magaalada Muqdisho, Isagoona ka mid ahaa musharaxiintii ugu firfircoonaa oo Issimadu ka hor istaageen inay ku tartamaan mid ka mid ah kuraasta doorashadii aqalka hoose ee lagu qabtay magaalada Garowe.

img_1006 img_1007 img_1015 img_1017 img_1020 img_1021 img_1023 img_1028 img_1030 img_1044 img_1051 img_1061 img_1063 img_1072 img_1075 img_1079 img_1081 img_1083 img_1089 img_1092 img_1105 img_1119 img_1126 img_1127 img_1142 img_1143 img_1148 img_1152 img_1160 img_1163 img_1165 img_1168 img_1174 img_1176 img_1179Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST