Baarlamanka Puntland oo maanta laalay jiritaanka Hay,adda Qurbo joogta.

baarlamanka-puntlandGarowe (Puntland Post):- Baarlamanka Dowlada Puntland ayaa maanta kalfadhi ay ku yeesheen magaalada Garowe uga saaray Miisaaniyadda Dowlada 2017 qoondadii dhaqaale ee ay ku lahaayeen Hay,addaha kala ah Hay,adda Qurbo joogta Puntland iyo Hay,adda Maalgashiga Puntland oo  la aas aasay intii uu xafiiska joogay Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Gollaha Xildhibaanada ayaa talaabadan u cuskaday qodobka 79aad ee Dastuurka Puntland oo sheegaya in ka hor inta aan la aas aasin hay,add kasta oo madax banaan in laga rabo xeer Islamarkaana la horkeeno Gollayaasha Dowlada, Waxayna sheegeen Xildhibaanadu inaysan lahayn wax xeer ah labadaan hay,addood ee maanta laga saaray Miisaaniyadda Dowlada Puntland.

Mid ka mid ah hay,addaha laga saaray miisaaniyadda waxaa madax u ah Gudoomiyaha Qurbo joogta Puntland Cumar Shire Maxamed oo sida la sheegay ku lahaa bil kasta miisaaniyadda dowlada lacag ka badan $ 6,000 lix kun oo dollar.

img_7627Dhinaca kale Baarlamanka oo maanta ansixiyay miisaaniyadda Dowlada Puntland ee 2017ka ayaa dib ugu soo celiyay lacago curaar ah oo Xukuumaddu ka saartay Miisaaniyadda, Iyadoona ay la micno tahay ka saarida miisaaniyadda Dowlada labo ka mid ah hay,addaha Puntland laalis rasmiya oo gollaha sharci dejintu ku sameeyeen jiritaankooda.

 Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST