Kulamo ka dhan ah Ra,isulwasaare CC Sharmaake oo ka bilowday Muqdisho

Wararka ka imaanaya Muqdisho ayaa sheegaya in durbo laga dareemayo hotelada ku yaala magaalada olole iyo dhaq dhaqaaq siyaasadeed oo xubno Musharaxiinta oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka mid yahay inay qalqaalo iyo hardan culus ugu jiraan kasbashada Xildhibaanada cusub ee dhawaan lagu soo doortay magaalooyinka Garowe, Kismaayo, Cadaado iyo Baydhabo oo intooda badan gaarey Muqdisho.

PUNTLAND POST oo Muqdisho xogo lagu kalsoon yahay ka heshay waxay sheegayaan in xubno ka tirsan Madaxtooyada Villa Soomaaliya oo ah garabka Madaxweynaha Sharaxan ee Xasan Sheekh Maxamuud ay ka bilaabeen olole ka dhan ah Musharaxiinta ugu cad cad loolanka doorashada madaxtinimo ee 2016 .

Ololahan ayaa intiisa badan ka socda Hotelada oo ay degan yihiin Xildhibaanada Baarlamanka Cusub ee Soomaaliya , waxaana wararku sheegayaan inay ugu magac dareen kooxda ka socota Garabka taageersan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud OLOLAHA TASHKIILINTA Xildhibaanada ku feelan Raysal wasaare CC Sharmaake oo sida la aaminsan yahay ah shaqsiga loolan adag oo doorasho kula jira Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wararka ayaa intaas ku daraya in garabka taageersan aaminsan yihiin fikir ah in lagu soo tashkiiliyay qaar badan oo ka mid ah Xildhibaanada cusub shirar iyo kulamo lagula yeeshay magaalooyinka Garowe iyo Kismaayo,waxaana laga dareemayaa Kooxda Xasan Sheekh xusul duub xoogan oo ay ugu jiraan sidey u kala dhantaali lahaayeen fikraday ka aaminsan yihiin inay juhdi badan ku bixiyeen Jubaland iyo Puntland siday ugu soo saari lahaayeen doorashada Raysal wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake.

Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST